Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kurdiyiinta Oo Dib ugu Laabtay Dalka Turkiga


Cizre two weeks after military clashes, Turkey, southeast, Kurds,
Cizre two weeks after military clashes, Turkey, southeast, Kurds,

Dadkii deganaa ayaa ku noqday magaalada kurdiyiintu ay ku badanyihiin ee Cizreee dalka Turkiga maanta oo Arbaca ah.

Dadkii deganaa ayaa ku noqday magaalada kurdiyiintu ay ku badanyihiin ee Cizre ee dalka Turkiga maanta oo Arbaca ah, si ey u soo eegaan waxyeelada iyo burburka soo gaaray guryahooda, ka dib markii ay dowladdu ka qaaday Bandow 24ka saac ah oo muddo bila ah magaaladaa saaraa.

Dowladda Turkiga ayaa dagaal xooggan kula jiray xisbiga dalkaasi laga mamnuucay ee xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (PKK), gaar ahaan dhinaca koonfureed ee dalkaas tan iyo bishii July waxeyna qeybo ka mid ah magaalooyinka ku yaala ku soo rogtay bandow ay dhinac socdaan howlgallo dhinaca amaanka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa balanqaaday inuu sii wadayo dagaalka ilaa iyo qofka ugu dambeeya ee mintidiinta PKK laga adkaanayo.

Magaalada Cizre, ayaa bandowga 24ka saac ah waxa uu ka dhaqangalay bishii December.

Sadex todobaad ka hor, ayaa wasiirka arrimaha Gudaha ee Turkiga Efkan Ala waxa uu ku dhawaaqay in howlgalladii ka dhanka ahaa PKK ee magaalada Cizre ay dhamaadeen, ka dib markii weerar xoog badnaa ay ciidamadu ku dileen ilaa iyo 600 oo ka mid ah dagaalyahanada PKK.

XS
SM
MD
LG