Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cunaqabateynta Korea-da Waqooyi oo Shaqeyn La'


Daraasad cusub oo uu sameeyey golaha ammaanka ee QM ayaa faahfaahin ka bixineysa sida Korea-da Woqooyi ay uga baxsatay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran.

Daraasad cusub oo uu sameeyey golaha ammaanka ee QM ayaa faahfaahin ka bixineysa sida Korea-da Woqooyi ay uga baxsatay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran, tobankii sano ee tagay.

Daraasadda ayaa imaneysaa ayada oo golaha uu isku diyaarinayo inuu u codeeyo cunaqabateyno cusub oo ka dhan ah xukuumadda Pyongyang.

Warbixinta oo uu qoray guddi ka tirsan QM oo la socda xadgudubyada ka dhanka ah cunaqabateenaha caalamiga ah, ayaa xaqiijineysaa in afar cunaqabateyn oo Korea-da Woqooyi la saaray tan iyo sanaddii 2006 ay ku guul darreysteen inay ku qasbaan inay joojiso barnaamijkeeda hubka Nuclear-ka.

Ayada oo la eegayo tijaabooyinkii Nuclear ee dhowaanahan ay sameyneysay Korea-da Woqooyi, ayaa warbixinta waxa ay su’aal ka keentay haddiiba cunqabateenaha saaran ay wax saameyn ah leeyihiin.

Warbixinta waxa ay sheegtay inay jirto kala qeybsanaan dalalka caalamka ah taasi oo sabab u ah in Korea-da Woqooyi ay ka baxsato cunaqabateynta.

XS
SM
MD
LG