Hillary Clinton oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Donald Trump oo ka tirsan Jamhuuriga, ayaa sii xoojistay rajadooda ah inay noqdaan musharaxiinta xibsiyadooda u matalaya doorashada madaxtnimada Mareykanka.
Labadan musharax ayaa guulo waa weyn ka gaaray doorashadii shalay ka dhacday Mareykanka ee “Super Tuesday”, ayaga oo ku guuleysatay gobollo badan.
Clinton ayaa waxa ay ku guuleysatay doorashooyinkii ka dhacay gobollada Tennessee, Alabama, Georgia, Arkansas, Virginia, Texas iyo Massachusetts. Bernie Sanders oo ah musharax la loolmayey ayaa ku guuleysatay gobollada Vermont, Oklahoma, Minnesota, iyo Colorado.
Dhinaca xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa guulo kala hoyday gobollada Arkansas, Georgia, Alabama, Tennessee, Virginia, Vermont iyo Massachusetts.
Sidoo kale Senator Ted Cruz, ayaa ku guuleysatay gobolka laga soo doorto ee Texas iyo sidoo kale gobollada Oklahoma iyo Alaska. Senator-ka laga soo doorto gobolka Florida, Marco Rubio, ayaa isna gobolkii ugu horeeyey ku guuleystay, kadib markii uu kusoo baxay doorashadii gobolka Minnesota.