Isku xirrada

War Deg-Deg ah

4 ka Mid ah Askarta Dowladda oo Qarax lagu Dilay


Ciidamada Dowladda
Ciidamada Dowladda

Askarta oo ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay agagaarka deegaanka carbiska ee Sh/Hoose.

Inta la xaqiijiyay 4 askari oo ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa ku geeriyooday qiyaastii 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo gaari ay saarnaayeen ku haleelay agagaarka deegaanka carbiska ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afarta askari ayaa la sheegaaya inay isla goobta uu shilku ka dhacay ay ku naf bexeen.

Miinadan oo la sheegay in ay dhulka ku aasneyd ayaa gaariga ay la kacday waxa uu ka mid ahaa 3 gaadiidka dagaalka ah oo ay ciidamadu wateen oo kusii jeeday dhanka degmada Afgooye oo halkaasi marayay.

Askarta dhaawacantay ayaa loo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaasi baaritaanno ka wada.

Mas’uul ka tirsan maamulka goblka Shabeellada Hoose ee deegaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo loo maleynayo in ay aasidda iyo hagidda miinadaasi ku lug lahaayeen.

XS
SM
MD
LG