Isku xirrada

War Deg-Deg ah

5 Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Mudug


Dagaalka ayaa dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ugu yaraan 5 qof, ayaa la sheegay inay dhinteen tiro ka badan 10-na ay dhaawacmeen, kadib markii uu dagaal saaka aroortii ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde oo qiyaastii 35 KM u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sarakiil ka tirsna maamulka Galmudug, ayaa sheegay in dagaalka ay ciidamadooda qaadeen.

Warar VOA ay heshay ayaa tilmaamaya in ciidamadii halkaasi weeraray ay dib isaga soo laabteen, kadib dagaal xooggan oo ay kala kulmeen maleeshiyadii ururka Al-Shabaab ee deegaanka joogay.

Dadka dhintay, iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen dhinacyadii dagaallamay.

Xaaladda deegaankii lagu dagaallamay, ayaa wali xiisad laga soo sheegayaa, iyadoo ciidamadii Galmudug ee deegaankaasi weeraray ay ku sugan yihiinmeel aan ka fogeyn halkii lagu dagaallamay.

XS
SM
MD
LG