Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubaland oo Sheegtay Inay Dileen 7 Shabaab Ah


Maleeshiyada Al-shabaab
Maleeshiyada Al-shabaab

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay dileen 7 ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab kadib dagaal xooggan.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay dileen 7 ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab kadib weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen deegaanka Biroole oo 40 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Afhayeen u hadlay ciidamada amaanka Jubbaland oo lagu magacaabo Axmed Maxmuud Maxamed ayaa VOA u sheegay in weerarkaan ay ku bartilmaameedsanayeen horjoogayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka waxa uu sheegay in dhankooda uusan wax khasaare kasoo gaarin dagaalka ay la galeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada maamulka Jubaland ee ah inay dileen xubno ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab wali kama aysan hadlin warkaan ka soo yeeray maamulka Jubbaland ee ah inay dileen xubno ka tirsan kooxdan.

Wariyaha VOA ee Kismaayo Khadar Maxamuud Xareed ayaa Khadka taleefoonka kula xidhiidhay Axmed Maxmuud Maxamed waxaana uu uga warramay dagaalka.

Dagaal ka dhacay Biroole
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:19 0:00

XS
SM
MD
LG