Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: 11 Gobol oo ay Doorasho ka Dhaceyso.


Wufuuda gobol kasta lagu guuleysanayo maanta.
Wufuuda gobol kasta lagu guuleysanayo maanta.

Talaada maanta ah oo loo yaqaan "Super Tuesday" waa maalinta ugu muhiimsan tartanka madaxtinimada Mareykanka.

Tartanka madaxtinimada Mareykanka ayaa waxa uu maanta galayaa maalinta ugu muhiimsan, ayada oo musharaxiinta ay ku loolami doonaan 11 gobol.

Kuwa tartanka looga horeeyo ayaa rajeynaya inay doorashada maanta ka sameeyaan horumar weyn, si ay usoo qabtaan labada musharax ee loolanka ku horeeya.

Talaadada maanta ah ayaa muhiimad gaar ah u leh Jamhuuriyiinta, ayada oo ganacsade Donald Trump uu ku guuleystay saddexdii gobol ee ugu dambeeyey ee lagu loolamay., lana filayo inuu ku guuleysto 10 ka mid ah 11-ka gobol ee lagu loolamayo maanta oo loo yaqaan “Super Tuesday”.

Trump ayaa waxaa looga horeeyaa kaliya gobolka koonfureed ee Texas, halkaasi oo Senator Ted Cruz uu rajeynayo inuu ku guuleysto gobolka laga soo doortay.

Dhinaca xisbiga Dimoqraadiga, ra’yi uruurinay sameeyeen CNN/ORC oo isniintii la sii daayey ayaa muujineysaa in Hillary Clinton ay taageerayaan 55% dimoqraadiga, halka Bernie Sanders uu haysto kaliya 38%.

XS
SM
MD
LG