Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mashruuc Shaqo Abuur oo Muqdisho lagu Daah Rogey


Fursadfund
Fursadfund

Mashruuc loogu magac daray 'Fursad Fund' oo shaqa abuur loogu sameenayo dhalinyaro Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu daah furay Magaalada Mqudisho.

Mashruucan, ayaa bartilmaameedsanaya 5-kun oo qof oo midkiiba uu bixinayaa maalintii lacag 1-doollar, taasoo sannadkii noqon doonta 365 doollar. Waxana shaqo loogu abuuraya dhalinyarada gaaraysa 50,000 oo dhalinyaro Soomalaiyeed 5-sana ee soo socota.

Mashruucan, ayaa waxaa Maamulaya 11 xubnood oo ay ka mid yihiin wasiirka qorsheynata C/raxmaan Caynte iyo Dr. Maryam Qaasim Axmed oo hore wasiir u so noqotay. Wariyaheena C/qaadir Maxamed Cabdulle ayaa wareystay Dr. Maryan Qaasim.

DHageyso Mashruuca Fursad
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:24 0:00

XS
SM
MD
LG