Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xabbad Joojin ka Dhaqan Gashay Siiriya


Xabbad joojin ayaa ka billaababaty Siiriya, iyadoo ku dhawaad boqol kooxood ay sheegeen inay ka go’an tahay inaay la socdaan dhammeynta colaadda Siiriya.

Xabbad joojintan ayaa gar wadeen ka ahayeen, Mareykanka iyo Ruushka, ayaa dhaqan gashay saq dhexe ee xalay xilliga magaalada Dimishiq.

Dalladda Mucaaradka Siiriya iyo guddiga sare ee wada xaajoodyada qaabilsan, ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in 97 kooxood ay ballan qaadeen inay ka qeyb qaadan doonaan xabbad joojinta.

Xabbad joojintaasi ayaanan ku lug laheyn kooxda ISIS iyo garabka al-Qaacidda ee Siiriya ee al Nusra.

XS
SM
MD
LG