Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FIFA oo Dooratay Madaxweyne Cusub


Gianni Infantino
Gianni Infantino

Gianni Infantino oo u dhashay dalka Switzerland ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Infantino oo asal ahaan Talyaani ah, ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada FIFA ee ka dhacday magaalada Zurich kaga adkaaday Sheekh Salman bin Ebrahim al-Khalifa, oo u dhashay dalka Bahrian.

Wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada ee labaad ayaa Infantino waxa uu helay 115 ka mid ah 207 cod ee xiriiradaa kubadda cagta adduunka ay dhiibteen, halka Sheekh Salman uu ka helay 88 cod. Wuxuu u baahnaa kaliya 104 codadka oo ka badan 50%.

Waxaa sidoo kale wareegga labaad ka qeyb galay Ali bin al-Hussein oo u dhashay dalka Jordan oo helay 4 cod, halka Jerome Champagne uusan helin wax cod ah.

Gianni Infantino, ayaa ahaa xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA.

XS
SM
MD
LG