Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Kale oo Mindiyeyn ah oo Ka Dhacay Daanta Galbeed


Mideast Israel Gunman Killed
Mideast Israel Gunman Killed

Booliiska Israel ayaa sheegay in qof ilaalo ka ah xarun laga dukaameysto si darran loogu dhaawacay weerarka.

Booliiska Israel ayaa sheegay in qof ilaalo ka ah xarun laga dukaameysto si darran loogu dhaawacay weerar mindiyeyn ah oo la rumeysan yahay in uu ka dambeeyey qof Falastiini ah.

Booliiska ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegeen in laga wacay goobtan lagu dukaameysto oo ku taala deegaanka Yahuuuda ee Maaleh Adumim ee Daanta Galbeed, halkaasi oo ay ku arkeen qof dhulka yaala oo si xun u dhaawacan.

Waxa kale oo ay sheegeen in weerarku u muuqday in qof Falastiini ah uu ka dambeeyey.

Booliiska ayaa sheegay in qofkii weerarka ka dambeeyey uu goobta ka baxsaday, islamarkaana uu socdo baaritaan lagu baadi goobayo. Xaruntan laga dukaameysto ayaa waxaa laga mamuuncay Falastiiniyiinta illaa maalinta axadda.

Qofka weerarka ku dhaawacmay ayaa waxaa la dhigay isbitaalka Hadassah ee magaalada Jerusalem, waxaana isbitalka uu sheegay inuu ku sugan yahay xaalad halis ah.



XS
SM
MD
LG