Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Rajo ka Qaba Xabbad Joojinta Syria


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa si taxaddar leh uga hadlay in xabbad joojinta dagaalka Syria ay horseeddo wada hadallo nabadeed oo soo af-jara dagaalka sokeeye ee muddada shanta sano kasocday dalkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa hadalkaasi sheegay kadib markii uu aqalka cad kula kulmay boqorka 2-aad ee Jordon Cabdallah.

Obama ayaa horraantii toddobadkan heshiis la gaaray madaxweynaha Russia Vladmir Putin, kaas oo ku aaddan xabbad joojinta Syria oo la qorsheeyay in ay billaabato Sabtida.

Madxweynaha Syria Bashar al- Assad aya sheegay in uu diyaar u yahay in uu tageero xabbad-joojinta.

Wakaaladda wararka Syria ee SANA ayaa laga soo xigtay in Asad telefoon uu kula halay Putin ku wargeliyay taageeridiisa xabbad-joojinta.

XS
SM
MD
LG