Isku xirrada

War Deg-Deg ah

3 Qof oo ku Geeriyooday Iska horimaad Ka Dhacay Baydhaba


Map of Somalia showing Baidoa
Map of Somalia showing Baidoa

Saddex qof ayaa ku geeriyooday, afar kalena waa ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn maanta ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Is-rasaaseynta oo dhex martay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dadka ku geeriyooday waxa ay laba ka mid ah ahaayeen shacab, ayada oo sidoo kale saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay ahaayeen shacab.

Is-rasaaseynta ayaa timid sida la sheegay markii ay ciidamada is-maandhaafeen, inkasta oo aan weli la ogeyn sababta rasmiga ah ee labada ciidan iska horkeentay.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobta iska horimaadka uu ka dhacay, ayaga oo kala dhex galay labada dhinac, waxaana socda baaritaan ku saabsan sababta keenta iska horimaadka.

XS
SM
MD
LG