Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo ka Hadashay Shirka Istanbul


Shirka Istanbul
Shirka Istanbul

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cameey, ayaa sheegay in Puntland ay shirka uga qeyb gashay dhinaca dhaqaalaha ee hiisgiga cusub (New Deal).

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay mowqifkooda ku aadan shirka arrimaha Soomaalida ku saabsan ee ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cameey, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Puntland ay shirka uga qeyb gashay dhinaca dhaqaalaha ee hiisgiga cusub (New Deal).

Cameey waxa uu sheegay in Puntland aysan ka qeyb-gali doonin shirka marka ay timaado arrimaha ku saabsan siyaasadda iyo doorashada 2016, ama 4.5, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Puntland aysan marnaba qaadan doonin go’aanada kasoo baxa shirkaas ee ku saabsan arrimaha siyaasadda.

Cameey waxa uu sheegay in shirka lagu bixinayo dhaqaale Soomaaliya loogu talo-galay, sidaas darteedna ay Puntland u tagtay inay qeybteeda kasoo qaadato.

Warbixintan waxaa Boosaaso kasoo dirtay weriyaheena Faaduma Yaasin Jaamac.

Go'aanka Puntland ee shirka Istanbul
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:26 0:00


XS
SM
MD
LG