Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Mudanayaal Taageeray Sharci ay Ansixisay Soomaaliya


Mudanayaal ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa soo dhoweeyey ansixinta ay Soomaaliya ee Sharciga ka Hortagga Lacag is-daba mairnta iyo Maalgalinta Aragagixisada

Mudanayaal ka tirsan Koongareeska Maraykanka ayaa soo dhoweeyey ansixinta ay Soomaaliya ku ansixisay Sharciga ka Hortagga Lacag is-daba marinta iyo Maalgalinta Aragagixisada oo uu meelmariyeen baarlamaanka Soomaaliya kadibna uu shalay saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudanayaashan ka tirsan Koongareeska Maryakanka ayaa qoraal ay u direen madaxweynaha Soomaaliya waxay ugu hambalyeeyeen Madaxweynaha iyo Baalarmanaaka Soomaaliya shaqada ay u galeen meelmarinta sharcigan oo ay sheegeen inay tahay tallaabo muhiim ah u xallinta caqabadaha ka jira dirista lacahaga xawilaadaha, waxayna sheegeen inay tani malaayiin qof oo ah Soomaalida qurbaha ku nool u sahli doonto inay lacag u diraan eheladooda ku sugan gudaha dalka.

Mudanayaashan qoraalkan qoray ayaa kala ah Keith Ellison, Tom Emmer, Juan Vargas, Adam Smith, Joyce Beatty oo laga soo kala doorto Gobollada Minnesota, California, Washington, iyo Ohio.

Waxay sheegeen in lacagaha xawilaaduhu ay qayb muhiim ah ka yihiin dhaqaalaha Soomaalida haddii ay ku nool yihiin dibedda iyo gudahaba, iyo sidii lagu fahmi lahaa sii socoshada adeegyadan.

Waxay mudanayaashu sheegeen in badi qoysaska Soomaaliyeed ay lacagaha xawilaadaha ku tiirsan yihiin si ay ugu iibsadaan cuntada, daawada ama ay iskaga bixiyaan waxbarashada iskuullada. Waxay sheegeen in xaqiijinta sii shaqaynta adeeggaas hawaaladaha aysan ahayn oo keliya arrin dhaqaale balse ay tahay arrin lama huraan u ah bani’aadmnimada.

Mudanayaasha ayaa sheegay inay aad muhiim u tahay sii wadista in dawladda Soomaaliya ay kala shaqayso dazawladda Maraykanka sidii lagu wanaajin lahaa hannaanka lacagadeed ee Soomaaliya.

Waxay sheegeen in sidoo kale in sharcigan cusub ee ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada uu xoojin doono Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen inay ku tiirsan tahay beesha caalamka marka ay noqoto la socoshada xawilaadaha iyo kala wareejinta lacagaha.

XS
SM
MD
LG