Isku xirrada

War Deg-Deg ah

23 Qof oo ku Geeriyooday Diyaard ku Dhacday Nepal


Diyaaradda dhacday kahor inta aysan kicin.
Diyaaradda dhacday kahor inta aysan kicin.

Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda Tara Airlines ayaa lumisay xiriirkii ay la lahayd dadkii hagayey ee dhulka joogay waxyar kadib markii ay kacday.

Mas’uuliyiinta dalka Nepal ayaa sheegay in diyaarad yar oo soo dhacday arbacada (2/24/2016), intii lagu guda jiray cimilo xun, ayna ku geeriyoodeen dhammaan 23-kii qof ee saarnaa oo isugu jira shaqaale iyo rakaab.

Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda Tara Airlines ayaa lumisay xiriirkii ay la lahayd dadkii hagayey ee dhulka joogay intii ay ku guda jirtay duulimaad ay kaga soo kacday magaalada Pokhara oo 200 oo KM u jirta galbeedka magaalada caasimadda ah ee Kathmandu, iyada oo ku socotay magaalada Jomsom.

Shaqaalihii wax baarayey ayaa helay bur-burka diyaaradda saacado kadib markii la waayey.

Saraakiisha waxa ay sheegeen in diyaaraddi ay weli gubaneysay markii goobta la tagay, dadkii saarnaana ay dhulka ku kala firdhisanaayeen.

Laba qof oo ajaanib ah oo u kala dhashay dalalka China iyo Kuwait ayaa ka mid ahaa rakaabka diyaaradda saarnaa.

XS
SM
MD
LG