Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdoğan: Waan Sii Wadeynaa Taageerada Soomaaliya


Madaxweyne Erdogan
Madaxweyne Erdogan

Madaxweyne Erdoğan ayaa shirka Istanbul ka sheegay in Soomaaliya ay astaan u tahay aragtida-muuqaaleed ee ku wajahan qaaradda Afrika.

Shirka ka socda Magaalada Istanbul waa madashii 6-aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ee bahwadaagta la ah.

Shirka waxaa xoogiisa looga hadlayaa sidii loo xajin lahaa horumaradda jira, loo abuuri lahaa fursado maalgalineed iyo sidii loo moosi lahaa caqabadaha jira ee Soomaaliya wali ay kasoo kaban la’adahay oo ay ugu muhiimsan tahay sidii lagu xaqiijin lahaa doorashooyinka loo asteeyay in ay dalka ka dhacaan sanadka 2016-ka.

Shirkan oo uu furay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo dalkiisu uu martigalinayo shirka ayaa cadeeyay in turkigu uu sii joogteen doono taageerada uu u fidiyo Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed ay u helaan deegaan xasiloon. Madaxweyne Erdoğan waxaa kaloo furitaanka shirka uu ka sheegay in Soomaaliya ay astaan u tahay aragtida-muuqaaleed ee ku wajjahan qaaradda afrika.

Dhanka kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ku- Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa shir gudoominaya kulamo looga arrinsanayo Soomaaliya oo horumarsan, waxaana lagu wadaa in barri lasoo gaba-gabeeyo shirkan.

Sidoo kale waxaa shirka ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamanka, xubno ka socda Golaha wasiirada, inta badan maamulada dalka, bulshada rayidka, dhalinyarada, haweenka iyo ganacsato Soomaaliyeed.

In ka badan 200 oo ergooyin ah oo ka socda dawlado, Ururo caalami ah oo Qaramada Midoobay ay kamid tahay iyo guud ahaan hay’adaha iskaashiga la leh dhinaca dib u dhiska Soomaaliya.

Muddada shirku uu socdo waxaa qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Cahdiga Cusub ee Soomaaliya ee loo yaqaano the Somali Compact, kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013.

Waana barnaamijkaasi naqshadiisu ay tahay sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahayd arrimo ay kamid nyihiin siyaasadda, shuruucda, amniga, dhismaha hay’adaha dawladeed iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Gaba-gabada shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aamo wax ku ool ah iyadoo lagu wado in bulshada caalamku ay qalinka ku duugaan go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajjahan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka iyo heshiis laga gaaro khariidad lagu midaysan yahay oo loo mari doono doorashooyinka dalka ka dhici doona 2020-ka

XS
SM
MD
LG