Isku xirrada

Dowladda Soomaaliya oo Qabatay Sarkaal Shabaab ah


Aas-aaskii Ururka Al-Shabab (Q-5aad)

Aas-aaskii Ururka Al-Shabab (Q-5aad)

Ilo ka tirsan sirdoonka Somalia ayaa VOA u sheegey in sarkaalkan uu yahay mid darajo dhexe ka haya maleeshiyaadka Al-Shabaab,

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtey in ay ciidamadeedu ay Muqdisho ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

War qoraal ah oo ay warbaahinta dowlafda ka soo xigatey hey’adda Nabad Sugida Qaranka ayey ku sheegtey in sarkaalka lagu beegsadey howlgalkan, ay horey madaxiisa lacag u dul dhigtey.

Warka qoraalka ah ee NISA ay soo saartey ayaan lagu shaacin magaca sarkaalka la qabtey iyo faahfaahinta howlgalka lagu soo qabtey.

Dowladda ayaa sheegtey in ciidamada ammaanka ay sarkaalkan ku soo xireen howlgal ay toddobaadkan ka fuliyeen Hotelka Golden ee ku yaala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ilo ka tirsan sirdoonka Somalia ayaa VOA u sheegey in sarkaalkan uu yahay mid darajo dhexe ka haya maleeshiyaadka Al-Shabab, kaasoo loo doon doonayey isku xirka dilalaka loo geysto dad bulshada magac ku dhex leh.

VOA ayaa xaqiijisey in ninka bishii July ay dowladda Soomaaliya dul dhigtey lacag dhan $2,000, iyadoo ku eedeysey dilalka waxgarad iyo ganacsato.

XS
SM
MD
LG