Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir ku Saabsan Soomaaliya oo Ka Furmay Istanbul


Madaxweyne Xasan
Madaxweyne Xasan

Shirka maanta furmay ayaa waxaa ka qeyb-gali doonaa illaa 200 oo ergo oo ka kala socda 50 dal iyo hay’ado caalami ah.

Qeyb kale oo ka mid ah shirka iskaashiga madasha sare ee Soomaalida ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbul ee caasimadda dalka Turkiga.

Shirkan ayaa waxaa marti-gelinaya dowladda Turkiga, waxaana furay madaxweynaha dalkaas Reccep Tayyip Erdogan, ayada oo ay la shir guddoominayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jan Eliasson, oo ah ku xigeenka xoghayaha QM.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya illaa 200 oo ergo oo ka kala socda 50 dal iyo hay’ado caalami ah.

Shirka oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa dib loogu eegi doonaa horumarkii laga sameeyey barnaamijka hiigsiga cusub ee Soomaalida oo looga dhowaaqay shirkii ka dhacay magaalada Brussels, bishii September ee 2013.

Xuseen Barre Aadan ayaa arrimaha shirka ka ka waraystay Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaahsiga Caalmaiga ah Cabdiraxmana Cyante.

Shir ka furmay Turkiga
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:59 0:00

XS
SM
MD
LG