Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Kenya oo Helay Baabuurta Gaashaaman


Baabuur gaashaaman (Sawir hore)
Baabuur gaashaaman (Sawir hore)

Baabuurtan gaashaaman oo illaa 30 gaaraya ayaa loo adeegsan doonaa inay ciidamada kaga howlgalaan goobaha ay ka dhacaan weerarada argagixisada.

Booliiska dalka Kenya ayaa helay 30 baabuurta gaashaaman ah, oo loo adeegsan doono inay kaga howlgalaan goobaha ay ka dhacaan weerarada argagixisada.

Ayada oo ay qeyb ka tahay dadaallo la doonayo in lagu bad-baadiyo saraakiisha booliiska, ayuu madaxweyne Uhurru Kenyatta amray in baabuurtan la geeyo gobolka woqooyi bari iyo kan xeebta, si loola dagaalamo argagixisada.

Kenyatta waxa auu sheegay inuu rajeynayo in booliiska ay howl-galaan ayaga oo aan wax caawimaad ah uga baahan milatariga iyo qeybaha kale ee aminga.

Dadka fallanqeeya arrimaha amamanka ayaa sheegaya in tani ay tahay tallaabo wanaagsan oo horey loo qaaday, hase yeeshee Kenya ay u baahan tahay inay sameyso wax intaas ka badan si ay uga guuleysato aragagixisada.

Deegaanada Kenya ee ku dhow xuduudda Soomaaliya, ayaa marar badan waxa Al-shabaabka ay ku beegsadeen ciidamada amniga Kenya, halkaasi oo qaar badan ay ku dileen, qaarna ka furteen baabuurtii ay wateen.

Ciidamada Amniga Kenya waxaa sidoo kale marar badan lagu dhaleeceeyey in jawaabtooda ka dhanka ah weerarada iyo afduubyada Shabaabka ay tahay mid mar walba soo daahda.

XS
SM
MD
LG