Isku xirrada

Britain oo Heshiis La Gaartey M/Yurub


Reysal wasaaraha Britain Cameron iyo Madaxweynaha Baarlamaanka Yurub Martin Schulz

Reysal wasaaraha Britain Cameron iyo Madaxweynaha Baarlamaanka Yurub Martin Schulz

Reysal wasaaraha Britian David Cameron, ayaa heshiis la gaaray 27-ka xubnood ee midowga Yurub, dhammaadkii Jimcaha, heshiiskaas oo Britain ku sii heynaya in uu xaalado gaar ahaaneed ugu sii mid ahaado Midowga Yurub.

Cameron, ayaa sheegay in heshiiska uu maanta Sabti ah horgeyn doono golihiisa—Tallaabadas oo noqoneysa tii ugu horreysay oo olole adag uu doonaayo in uu kaga dhaadhiciyo cod bixiyaasha Britishka ahi in dalku uu ka sii mid ahaado 28-ka xubnood ee ururka.

Arrintani, ayaa waxa la galin doonaa afti bisha Juun ee soo socota, iyadoo la rumeysan yahay in cod bixiayaashu ay ku kala qeyb sami doonaan.

XS
SM
MD
LG