Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad ka Taagan Magaalada Kampala.


Xiisad ayaa ka taagan magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, kadib markii la xiray hoggaamiyaha mucaaradka oo ka mid ahaa musharrixiinta doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi.

Waa markii 3aad ee toddobaadkan la xiro Kizza Besigye. Taageerayaasha Besigye ayaa dibadbaxyo ka wada Kampala, waxayna xireen waddooyinka.

Xiisadda ayaa bilaabatay markii hoggaamiyaha mucaaradku uu warbaahinta u yeeray si uu u qabto shir jaraadi, balse booliska ayaa isku gadaamay gurigii uu ku jiray, iyagoo sunta dadka ka ilmeysiisa ku riday taageerayaasha Besigye. Booliska ayaa xiray Besigye iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga FDC. Xaaska Besigye ayaa twitter-ka ku qortay in Besigye loo kaxeeyay saldhigga booliska Nagalama.

Dhinaca kale, wali waxaa socota tirinta codadkii doorashada, waxaana ku horreeya madaxweynaha talada haya Yuweri Musaveni, iyadoo uu ku xigo Kizza Besigye.

XS
SM
MD
LG