Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Libya ku Dilay Sarkaal Daacish ah


Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeeyay xero tababar oo ku taalla galbeedka Libya, kuna dhow xuduudda Tunisia, iyadoo weerarkaas lagu dilay sarkaal Daacish iyo tobaneeyo qof oo loo qoray argagixisanimo.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeeyay xero tababar oo ku taalla galbeedka Libya, kuna dhow xuduudda Tunisia, waxaana halkaasi ay ku dileen sarkaal muhiim ah iyo tobaneeyo qof oo loo qoray argagixisanimo.

Saraakiil Maraykan ah oo ku sugan magaalada Washington ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo lagu magacaabo Noureddine Chouchane, kaasi oo lala xiriirinayo laba weerar oo argagixiso oo sanaddii tagtay ka dhacay dalka Tunisia.

Weerarka Mareykanka ayaa waxaa loola dan lahaa xero ku taalla magaalada Sabratha oo 75 KM u jirta galbeedka Tripoli. Dadka deegaanka ayaa sheegay in illaa afartan qof lagu dilay weerarka.

Dadka la dilay badankood ayaa la rumeysan yihiin inay yihiin dagaalyahanno cusub oo kooxda Daacish kusoo biiray, sida laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah.

XS
SM
MD
LG