Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhallinyaro Falastiini ah oo Dilay Askari Israeli ah


Ciidamada Israel oo ku sugan goobta weerarka uu ka dhacay. Feb. 18, 2016.
Ciidamada Israel oo ku sugan goobta weerarka uu ka dhacay. Feb. 18, 2016.

Weerarkan oo ay fuliyeen laba dhallinyaro oo Falastiiniyiin ah ayaa waxaa lagu dilay askari Israeli oo 21 jir ah.

Laba wiil oo Falastiiniyiin da’yar ah ayaa toorey ku dilay nin Israa’iili ah, kuna dhaawacay mid kale, suuq ku yaalla Daanta Galbeed, goor dambe oo khamiistii ahayd ka hor inta aan ayagana toogasho lagu dilin.

Suuqa weerarka uu ka dhacay ayaa ah suuqa aad ay uga dukaameystaan Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta. Milatariga Israel ayaa goor dambe sheegay in ninka la dilay uu ahaa 21 jir askari ah oo aan xiligaas shaqo ku jirin.

Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin ayaa sheegay in Israel ay si xooggan ugu istaagi doonto inay jawaab adig bixiso, islamarkaana dib usoo eliso degenaanshaha dadka shacabka ah.

Lix bilood oo ay socdeen weerarada loo adseegsanayo mindida ee Falastiiniyiinta ayaa waxaa lagu dilay 30 israa’iiliyiin ah oo isugu jira shacab, booliis iyo milatari, iyo sidoo kale qof Mareykan ah iyo qof Eritrean ah.

Hase yeeshee booliiska iyo askarta Israel ayaa sidoo kale dilay 160 qof oo Falastiiniyiin ah oo isku dayayey inay shacabka Yahuudda ku dilaan mindi ama ku dul maraaan baabuur.

XS
SM
MD
LG