Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Codeynta Doorashada Uganda oo Billaabatay


Madaxweyne Museveni
Madaxweyne Museveni

Madaxweyne Yoweri Museveni oo xukunka hayey 30-kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa waxa uu la loolamayaa 7 musharax oo mucaarad ah.

Codbixinta doorashada madaxtinimada dalka Uganda iyo tan baarlamanka ayaa si rasmi ah maanta u billaabatay, hase yeeshee codbixiyayaasha ayaa wajahaya safaf dhaadheer iyo dib udhac.

Kadib hakad ku yimid geynta sanduuqyada codadka ee qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Kampala, ayaa guddiga doorashada Uganda waxay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in codbixinta ay waqtigii loogu talo-galay uga billaabatay meelo badan oo dalka ka mid ah.

Bayaanka waxaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga uu ka xun yahay in sanduuqyada codadka aan waqtigii loogu tala-galay lagu geyn qeybo ka mid ah caasimadda.

Hase yeeshee arday dhigtay jaamacadda Makerere, Ivan Ssebuliba, ayaa sheegay in “Haddii tani ay ka dhaceyso caasimadda Kampala oo xarunta guddiga doorashada ay ku taal, maxaad u maleeneysaa meelaha kale ee dalka?”.

Madaxweyne Yoweri Museveni oo xukunka hayey 30-kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa waxa uu la loolamayaa 7 musharax oo mucaaradka ah, kuwaasi oo uu ugu cadcad yahay Kizza Besigye, oo saddex goor oo hore looga adkaaday doorashada.

Museveni ayaa waxaa uu xukunka hayey tan iyo sanaddii 1986-kii, markaasi oo uu dhamaaday dagaalkii sokeeye ee shanta sano socday ee Uganda.

XS
SM
MD
LG