Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ahmet Davutoglu: Qaraxa Waxaa Fuliyey Suuriyaan


Ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegay qof Turkiga ka soo galay dalka Syria oo gacan ka helaya kooxda PKK uu fuliyey qaraxii shalay.

Ra’iisul wasaraaha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in nin Suuriyaan ah oo xiriir la leh maleeshiyada Kurdish-ka uu ka dambeeyey qarax baabuur oo Ankara ka dhacay, kaasi oo dilay ugu yaraan 28 qof.

Khudbad laga sii daayey taleefishinka, ayuu Davutoglu ku sheegay in weerarka ay ka dambeeyeen kooxda Kurdish-ka ee PKK, uuna caawiyey qof Turkiga ka soo galay dalka Syria.

Davutoglu waxa uu sheegay in ninka qaraxa fuliyey uu xubin ka ahaa kooxda Kurdish-ka Suuriya ee YPG. PKK iyo YPG waa laba koox oo Turkiga ay u arkaan argagixiso.

Qaraxa dhacay arbacadii ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo baabuur milatari ah oo marayey meel wax yar un u jirta xarumaha baarlamanka iyo milatariga.

Ma jirto illaa iyo hadda cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Turkiga ayaa waxaa bilihii dhowaa ka dhacayey qaraxyo ay fulinayaan Kurdish-ka iyo kooxda Daacish.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in 14 qof loo qabtay qaraxa.

XS
SM
MD
LG