Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sweden: Soomaaliga Dilka Geystay Waa 18 Jir


Vasteras, Sweden
Vasteras, Sweden

Dowladda Sweden ayaa sheegtay in wiil Soomaali ah oo dil ka geystay dalkaas, uusan ahayn 15 jira, sida uu sheegtay balse uu yahay 18 jir.

Waaxda socdaalka ee dalka Sweden ayaa beenisay in nin Soomaali ah oo bishii Januray gaystay fal dil ah ay da’diisu tahay 15 sano jir.

Ninkan oo dacwadiisu ay ka socoto magaalada Gothenburg oo uu ku dilay gabadh 22 jir ah oo ka shaqaynaysay xero qaxooti ayaa la ogaaday in da’diisu ay tahay tahay 18 sano, isla markaana uu dilkaasi ku mutaysan karo xabsi daa’in.

Dilka uu geystay wiilkan ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn xooggan ku yeelato dadka magan galyo doonka ah ee galaya dalka Sweden, kuwaasi oo Soomaali badan ay ku jiraan.

Hadaba wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa arrimahan ka waraystay Ikraan Cali Kaar oo ah saxafiyad ku nool magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Soomaali qof ku dilay Sweden
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:24 0:00


XS
SM
MD
LG