Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo Oo Golaha Wasiirada Isku Shaandheeyey


Siilaanyo
Siilaanyo

Wasiirada ay isku shaandheynta saameysay ayaa waxaa ka mid ah Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid Cadaani iyo Cukuse.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isku-shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada iyo guddoomiyayaasha gobollada.

Isku-shaandhayntan oo mas’uuliyiinta qaarkood xilkii ay hayeen lagaga qaaday, qaar kale oo cusub-na loo magacaabay, ayaa sidoo kale xilalka loogu kala beddelay wasiirro kale.

Xubnaha is-beddelka uu saameeyey, ayaa waxaa ka mid ah wasiirkii duulista hawada Somaliland Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid Caddaani, oo loo beddelay wasiiradda warfaafinta.

Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ahaa wasiirka warfaafinta ayaa isn la dhigay wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Warbixintan waxa Hargeysa ka soo diray Weriyaha VOA-da Barkhad Kaariye.

Siilaanyo oo isku shaandheeyey golaha wasiirada
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:01 0:00



XS
SM
MD
LG