Isku xirrada

Baarlamanka Somalia Oo Dib U Eegaya Dastuurka


Kulanka baarlamanka ee maanta ayaa loogu magac daray daah furka qeybta koowaad ee qodobo ka mid ah dastuurka oo dib eegis lagu sameeyay.

Baarlamanka Somalia ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan gaar ah oo ay kaga doodayeen qodobbo ka mid ah dastuurka oo dib u eegis lagu sameeyay.

Kulanka baarlamanka ee maanta ayaa loogu magac daray daah furka qeybta koowaad ee qodobo ka mid ah dastuurka KMG ah ee dalka oo dib eegis lagu sameeyay.

Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa la horgeeyey 10 cutub oo ka mid ah 15-ka cutub ee dastuurka Soomaaliya uu ka kooban yahay, kuwaasi oo dib eegis ay ku sameeyeen xubnaha guddiga madax banaan ee dib u eegista dastuurka.

Kulanka baarlamanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiyaha baarlamanka ahna ku simaha madaxweynaha Maxamed Cusmaan Jawaari.

Waxaa warbixintan nooga soo diray wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle .

XS
SM
MD
LG