Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Wasiir Hore Oo Qarax Lagu Dilay


Qarax baabuur (Sawir hore)
Qarax baabuur (Sawir hore)

Muxiyaddiin Maxmed Xaaji, oo ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga dowladdii KMG ahayd ayaa ku geeriyooday qarax loogu xiray baabuurkiisa.

Allah u naxariistee waxaa maanta magaalada Mudisho qarax lagu dilay Muxiyaddiin Maxmed Xaaji Ibrahim, oo ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga dowladdii KMG ahayd.

Muxiyaddiin ayaa wasiirka ka ahaa xukumaddii Nuur Cade, wuxuuna sidoo xildhibaan ka soo ahaa baarlamankii dowladdii Cabdiqaasim, haatanna wuxuu ahaa la taliye la shaqeeya baarlamankaSomalia.

Qaraxan oo la sheegay in gaarigiisa lagu sii xiray ayaa ka dhacay agagaarka isbitalka xanaano ee ku dhow isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxaas waxaa sidoo kale ku dhaawacmay nin oday ah oo gaarigaasi la saarnaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambaareyey dilka Allaha u naxariistee Marxuum Muxyadiin Maxmaed Xaaji Ibraahim

Wariyeheenna Jamaal Axmed Cusman ayaa dilka marxuumkan ka wareystay Cabdulqaadir Maxamed Cusman (Cabdulqaadir Barnaamij) oo ay isla shaqeynayeen marxuumka.

Wasiir hore oo qarax lagu dilay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:48 0:00

XS
SM
MD
LG