Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: "Dadkii Caawiyey Amisom Oo Halis Ku jira"


Gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Bay.
Gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Bay.

Hay'adda Saferworld ayaa sheegtay in dadka ku sugan deegaanada Amisom ay ka baxeen ay halis ugu jiraan beegsashada Al-Shabaab.

Warbixin cusub oo laga qoray Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM uusan difaac siinin dadka rayidka ah iyo saraakiisha raydika ee dawladda.

Saferworld waxay sheegtay in ka bixitanaka AMISOM ee magaalooyinka uu halis geliyey amniga dadka wadashaqaynta la sameeyey AMISOM iyo dawladda, waxayna ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu soo saaro qaraar faraya AMISOM in rayidka la ilalaiyo.

Haaruun Macruuf ayaa waraystay cilmi-baare ka tirsan hay’adda Saferworld oo ka hawlgasha ilaa 20 waddan oo Soomaaliya ay ka mid tahay, waxaana uu ugu horrayn weydiiyey cilmi-baarahaas oo lagu magacaabo Sunil Suri in hawlgallada milatari ay ka guulaysanayaan Al-Shabab?

Waxa uu sheegay kahbiirkaasi inaan Al-Shabaab weli laga guulaysan, loogana guulaysan doonin qaabka milatari ee ay ku wajahayaan AMISOM iyo SNA, taas caddaynteedana waxaan ka aragnay, buu yiri, maalmhii lasoo dhaafay saldhigyada ay ka baxeen. Waxaynu ogaanay ayuu yidhi in culayska weyn ee la saaray dhinaca milatari uu beesha caalamku indhahooda ku jeediyey in xalku yahay Al-Shabaab oo milatari ahaan lagu waajaho.

Sunil Suri waxaa kale oo la weydiiyey waa maxay sababta aysan istiraatijyada milatariga ku salaysan xalka u nqoon karin?. Sababtu waxay tahay ayuu yidhi qodobka ugu muhiimsan ee halbowlaha u ah waxa weeye inuu amni abuuro hawlgalku, laakiin amniga yuu u abuurayaa weeye su’aashu? Waxa laga yaabaa inuu amni u abuuray annaga ku sugan London iyo Wahsington, laakiin amniga muxuu uga dhigan yahay Soomaalida dalka ku sugan? Amnigau muxuu uga dhigan yahay marka aan ka fikirno qofka ku sugnaa magaalada Marka ee loo dilay waxaad la shaqaysaa AMISOM iyo dawladda kadib markii laga baxay magaalada dhowaan ayuu yidhi.

Sunil waxa uu sheegay in Istiraatijiyadda milatari aysan noqonin mid waxtar leh sababtoo ah, buu yiri, amni uma abuurin dadkii Soomaaliyeed, waxayn inta badan mudnaanta siinaynsaa amniga caalamiga ah. Waxaa loo baahan yahay ayuu yiri Sunil Suri in dadaal dheeri ah la sameeyo sidii loo xoojin lahaa amniga dadka.

Inakstoo ay Waajibaadka AMISOM tahay inay ilaaliso rayidka haddana waxaa loo baahan yahay ayuu yidhi in si cad Golaha Ammaanku u faro AMISOM inay si degdeg ah u sugto amniga dadka rayidka, marka ay degaanno ka qabsato Al-Shabab. Waa in qaraar kasoo baxay Q.M lagu caddeeyaa taasi, tani waxay ka hortagaysaa, ayuu yidhi, inay dhacdo tii dhowaan ka dhacday magaalada Marka oo kale.

Mar la weydiiyey waxyaabaha xalka u noqon kara xoojinta hay’adaha amniga ah ee Soomaaliya, Sunil Suri waxa uu uu ku jawaabay oo uu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in la tixgeliyo sidii loo yarayn lahaa ku tiirsanaanta ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.

Marka ay sii dheeraato joogitaankooda Soomaaliya waxay taasi kordhin kartaa, ayuu yidhi, xasaasiyad, waxayna fursad u noqon kartaa Al-Shabaab inay kaga horyimaadaan oo ay kula sii dagaalamaan dawladda. Waxaa xalka qayb ka noqon karta ayuu yidhi inay beddelaan ciidamada kale ee Afrika ah ee ka socda waddamo ka fog Soomaaliya, laakiin xalka muddada fog waa in diiradda la saaro dhismaha ciidan Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG