Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeymo Burburiyey Isbitaal Ku Yaalla Syria


Gobolka Idlib ee Syria
Gobolka Idlib ee Syria

Hay'adda MSF oo maamusho isbitalka duqyemaha ay ku dhaceen ayaa sheegtay in lagu soo qaaday "Weerar ku talo-gal ah".

Duqeymo diyaaradeed ayaa Isniinta maanta ah (2/15/2016) burburiyey isbitaal ku yaalla woqooyiga Bari ee Syria oo ay maamusho kooxda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF).

Kooxdan gargaraka caalamiga ah ee MSF ayaa sheegtay in afar gantaal ay ku dhaceen dhismaha Maaret al-Numan ee gobolka Idlib.

Sideed ka mid ah shaqaalaha isbitaalka ayaa la la’yahay, sida ay sheegtay MSF.

Afhayeen u hadlay MSF ayaa wakaaladda wararka ee Rueters u sheegay in duqeymaha ay ahaayeen “Weerar ku tala gal ah”, islmarkaana burburka isbitalka uu sababayo in 40,000 oo qof ay waayaan daryeel caafimaad.

Kooxda fadhigeedu yahay Britain ee la socota arrimaha xuquuqda aadanaha Syria, ayaa sheegtay in in duqeymaha la rumeysan yahay inay fuliyeen diyaardaha dagaalka Ruushka, ayna dileen tobaneeyo qof, kuwa kalena dhaawaceen.

XS
SM
MD
LG