Isku xirrada

DFS oo loo Gudbiyay Qodobo Dastuurka Laga Baddalay


Golaha wasiirrada Soomaaliya oo galabta kulan gaar ah yeeshay ayaa loo gudbiyay qodobo ka mid ah dastuurka Soomaaliya oo isbadal lagu sameeyay.

Shirkan gaarka ah waxaa shir guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra'iisul-wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga dooday geedi socodka dib u eegiskta dastuurka oo meel gabo-gabo ah maraya.

Wasaaradda Dastuurka, guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa la sheegayaa inay wax ka baddaleen ilaa 10 qodob oo ka mid ah dastuurka KMG ee Somalia.

Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, wasiirka dastuurka ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay qodobadii isbadalka lagu sameeyey, waxaana golaha wasiiradda laga filayaa inay eegaan kadibna fikir ka soo dhiibtaan.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in marka la dhamaystiro dib-u-eegista Dastuurka KMG ah loo gudbin doono Baarlamaanka isla markaana loo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG