Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Soomaali Qirtay Xiriirka Daacish


Abdirizak Warsame
Abdirizak Warsame

Cabdirizaaq ayaa waxa uu wajahayaa 15 sano oo xabi ah marka xukunkiisa la rido waqti aan weli la shaacin.

Wiil ka mid ah Soomaalida Minnesota oo lagu eedeeyey inuu doonayey inuu ku biiro kooxda Daacish, ayaa kadib maxkamad lasoo taagay khamiistii waxa uu qirtay mid ka mid ah dambiyadii lagu soo oogay.

Cabdirizaaq Maxamed Warsame oo qirtay inuu diyaarinayey inuu taageero siiyo kooxda Daacish, ayaa sheegay inay soo jiiteen fikradaha ku saabsan inuu ka dagaalamo meel ka baxsan Mareykanka, si uu abuuro khilaafad Islaami ah.

Cabdirizaaq ayaa maxkaamd federaalka Mareykanka ah ka hor sheegay in kooxda Daacish uu ka bartay muuqaalo lasoo dhigay Youtube-ka iyo khudbado uu jeediyey Anwar Al-Awlaki oo ahaa Mareykan hoggaamin jiray Al-Qacidada Yemen oo la dilay.

Waxa uu ku warramay inuu ogaa in kooxda Daacish ay fuliso dilal, balse uu dareemay in waajib uu ka saaran yahay inuu difaaco muslimiinta oo uu dareemay inay dhibban yihiin.

Cabdirizaaq ayaa waxa uu wajahayaa 15 sano oo xabi ah marka xukunkiisa la rido waqti aan weli la shaacin.

Fadhigii maxkamadda ee shalay kadib ayuu wariyaha VOA-da Maxamuud Mascade waraysi la yeeshay Cabdirisaaq Warsame Hooyadii Deeqa Xuseen oo uga warrantay dareenkeeda arrintan ku aaddan.​

Wareysi: Hooyo Deeqo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:14:52 0:00

XS
SM
MD
LG