Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amisom Oo Soo Saartay Digniin La Xiriirta Al-Shabab


Amisom waxa ay sheegtay in Shabaabka ay doonayaan inay dareeska Amisom xirtaan kadibna weeraro ka fuliyaan Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka digay in mintidiinta kooxda Al-Shabaab ay qorsheynayaan inay isku ekeysiiyaan askarta Midowga Afrika, si ay u fuliyaan weeraro.

Amisom waxa ay sheegtay inay heyso xog muujineysa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay damacsan yihiin inay soo xirtaan dareeska ciidamada Midowga Afrika, ayna dilal ka geystaan qeybo ka mid ah Soomaaliya oo ay maamulaan ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Hadafka ayaa wxaa uu yahay ayay tiri Amisom “In la iska horkeeno dadka Soomaalida ah iyo Amisom”.

Digniintan oo lasoo saaray arabacada maanta ah, laguna faafiyey barta twitter-ka ee AU-da, ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab ay dareeska ciidamada Amisom ka heleen xerooyinka Amisom.

Al-Shabaab ayaa waxa ay horey weeraro dhimasho leh uga qaadeen saddex saldhig oo waa weyn oo Amisom ay ku leedahay koonfurta Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG