Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland Oo Amniga Garoomada Adkeyneysa


Cusmaan Cabdullahi Saxardiid
Cusmaan Cabdullahi Saxardiid

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa soo saaray amarro la xiriira amniga garoomada

Iyadoo dhawaan qarax ka dhacay gudaha diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo oo ka kacday magaalada Muqdisho, ayaa waxa isa soo taraya walaacyada amni ee garoomada diyaaradaha qaarkood.

Somaliland waxa ay sheegtay inay qaadday tallaabooyin kor loogu qaadayo amniga garoomada diyaaradaha, waxaanay soo saartay amaro la xidhiidha dadka dhoofaya.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo VOA u waramay, ayaa sheegay in amarradaasi ay ka mid yihiin in si gaar ah loo soo dhaweeyo dadka diyaaradaha ka soo raaca Muqdisho.

Wasiirka oo u warramay Weriyaha VOA Barkhad Kaariye, ayaa ugu horrayn wuxuu ka hadlayaa tallaabooyinka ay qaadeen.

Somaliland Oo Amniga Garoomada Adkeyneysa
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:23 0:00

XS
SM
MD
LG