Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkish Airlines Oo Ka Hadashay Dhacdadii Muqdisho


Turkish Airlines ayaa ka hadashay sababtii ay uga baaqatay Muqdisho maalinkii qaraxa loo geystay diyaaradda shirkadda Daalo.

Shirkiadda Turkish Airlines ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadashay sababihii baajiyay duulimaad ay dayuuradooda ku tagi laheyd garoonka Muqdisho ka hor intii aysan dhicin dhacdadii qaraxa loogu geystay dayuuradda Daalo Airlines.

Yahya Ustun oo ah afhayeen u hadlay sharikadda Turkish Airlines oo war qoraal ah soo gaarsiiyay VOA Somali ayaa ku gaabsaday In duulaamdyadii Turkish Airlines ee tagi jiray magaalada Muqdisho loo joojiyay sababo la xiriira cimilada oo aan hagaagsanayn.

Turkish Airlines ayaa ka gaabsatay in ay ka jawaabto su'aalo ay VOA Somali weydiisay oo ay kamid yihiin:

Sababta ay u joojisay duulaamdkii ay ku tagi jirtay Muqdisho? Haddii ay ka warhaysay in qofka is qarxiyay uu haystay tickrtka dayuuradda? iyo in ay jireen wax khataro amni ah oo ay ka war heleen oo sabab u ah dayuuradooda baaqatay?

XS
SM
MD
LG