Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaalaha Soomaalida Oo Ka Cabanaya ICAO


Xafiiska laga maamulo hawada Soomaaliya
Xafiiska laga maamulo hawada Soomaaliya

Cabashada ayaa la xiriirta duruufo shaqo adag oo shaqaalaha ku haysta xafiiska Hay’adda Caalamiga ee Duulimaadyada Rayidka (ICAO) ee Nairobi.

Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ugu baaqay hay’adda Caalamiga ah ee Duulimaadyada Rayidka inay si degdeg ah u wareejiso maamulka Xafiiska iyo shaqaalaha Soomaalida ah ee hoos taga ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Safiirka ayaa sheegay inay usoo dacwoodeen xubno ka tirsan shaqaalaha Soomaalida ah ee ka tirsan hay’addaasi oo sheegay inay ku shaqeeyaan duruufo shaqo oo adag oo ay ka mid tahay mushahar yaraan, iyo inaysan lahayn xuquuqaha shaqada sida fasaxyada.

Safiirku waxa uu sheegay in hay’adda ICAO ay ku guuldarraysatay inay sharci oggolaansho shaqo u samayso shaqaalaha, taasi beddelkeedana ay muddo ka badan 20 sano ku shaqaynayeen shaqaalaha Soomaaliya fiisada ardaynimada.

Dhinaca kale mid ka mid ah shaqaalahaas oo lagu magacaabo Cali Jaamac Cabdi oo tan iyo sannadkii 1993-kii ka shaqaynayey xafiiskaasi, ayaa VOA-a uga warramay dhibaatooyinka ay wajahayaan.

Haaruun Macruuf ayaa wareystay Cali Jaamac iyo Safiir Jamaal. Waa kan wareysiyadooda, waxaana ku horreeya Cali Jaamac.

Cabasho ka dhan ah hay'adda ICAO
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:47 0:00


XS
SM
MD
LG