Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada Oo Joojineysa Duqeymaha Daacish


Canadian Prime Minister Justin Trudeau speaks to the crowds outside Rideau Hall after the Cabinet's swearing-in ceremony in Ottawa, Nov. 4, 2015.
Canadian Prime Minister Justin Trudeau speaks to the crowds outside Rideau Hall after the Cabinet's swearing-in ceremony in Ottawa, Nov. 4, 2015.

Ra’iisul wasaare Justin Trudeau, ayaa ku dhowaaqay go'aankan isaga oo fulinaya ballanqaad uu sameeyey intii uu ku jiray ololaha doorashada.

Canada ayaa bishan soo geba gebeyn doonta weerarada cirka ee ka dhanka ah bartilmaameedyada kooxda Daacish ee dalalka Syria iyo Ciraq.

Ra’iisul wasaare Justin Trudeau, ayaa Isniintii ku dhowaaqay inuu dalka kusoo celin doono lix diyaarado dagaal ah oo duqemyaha fulinayey, 22-ka bishan, isaga oo fulinaya ballanqaad uu sameeyey intii uu ku jiray ololaha doorashadii lagu doortay, sanadkii tagay.

Waxa uu sheegay in ololaha Mareykanka uu hogaaminayo ee duqeymaha ah uu lee yahay kaliya faa’ido mustaqbalka dhow ah, balse uusan mid mustaqbalka fog ah u lahayn bulshooyinka ay saameysay dhibaatada.

Canada waxa ay sii wadi doontaa inay dalalkaas u joogaan diyaarado la socda xaaladda iyo kuwa shidaalka siiyay isbaheysiga.

Trudeau waxa kale oo uu sheegay in dowladdiisa ay sare u qaadi doonto tirada ciidamada tababaraya dagaalyanahada Kurdish-ka ee woqooyiga Ciraq.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Trudeau iyo Obama ay qadka teleefonka ku wada hadleen Isniintii, ayaga oo xusay guulihii dhowaan laga gaaray kooxda Daacish ee dalalka Ciraq iyo Syria.

XS
SM
MD
LG