Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wada-hadallada Afghanistan iyo Taliban oo Laga Arrinsanayo


Saraakiil ka socota Maraykanka, Shiinaha, Afghanistan, iyo Pakistan ayaa la filayaa inay ku heshiiyaan qorshey lagu fududeynayo wadahadal dhex mara dawladda Afghanistan iyo ururka Taliban.

Wadahadalka ayaa lagu wadaa inuu Sabtida maanta ah ka dhaco magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.

Wafdiyada arrinta wada ayaa isku dayaya inay diyaariyaan tub loo maro hanaan nabadeed oo taabba-gal ah. Wafdiyada ayaa eegaya wixii laga yeeli lahaa qeybo Taliban ka tirsan oo iyagu diiddan in dagaalka la joojiyo.

Afartan dal ayaa isku dayaya in ururka Taliban ee dalka Afghanistan ay ku qanciyaan inuu miiska wadahadalka yimaaddo.

XS
SM
MD
LG