Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Kismaayo


Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Kismaayo.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ay weerareen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayeen deegaanada Buulo-Gaduud iyo Yoontooy ee gobolka Jubbada Hoose..

Dagaalka ayaa ku billowday duqeyn ay sameeyeen ciidamada Itoobiya, waxaana xigay iska horimaad toos ah oo aad u qaraar oo dhex maray labada dhinac.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, dagaalkana wuu qaboobay

Khadar Maxamuud Xareed, ayaa warbixintan kasoo diray Kismaayo.

Dagaalka Jubbada Hoose oo istaagay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:21 0:00

XS
SM
MD
LG