Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NATO: Ruushka Waa Caqabadda Suuriya


Madaxa gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in weerarada Russia ay u hortaagan yihiin in xal aan milatari ahayn la helo.

Madaxa gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in weerarada cirka ee Russia ay ka waddo Syria ay qaribayaan dadaallada xal aan milatari ahayn loogu helayo dagaalka dalkaas.

Stoltenberg ayaa hadalkan sheegay jimcaha (2/5/2016), isaga oo magaalada Amsterdam u yimid kulanka wasiirada difaaca ee Midowga Yurub.

Waxa uu sheegay in duqeymaha xooggan ee Russia ay badankood beegsanayaan kooxaha mucaaradka, ayna sababayaan xiisad sii kordheysay, ayada oo taas ay dheertahay inay xadgudub ku yihiin hawada NATO iyo tan Turkiga.

Dhinaca kalena, ciidamada dowladda Syria oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka Ruushka, ayaa qabsaday magaalo ay haysteen mucaaradka oo u dhow magaalada Deraa, sida uu ku warramay taleefishinka Xizbullah ee Al Manar.

XS
SM
MD
LG