Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Oo Baareysa Diyaaradda Daallo


Dalool ka muuqda diyaaradda
Dalool ka muuqda diyaaradda

Diyaaraddan ayaa maanta si deg deg ah ugu soo degtay garoonka Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay laba qof.

Hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa wada baaritaan ay ku sameynayaan diyaarad ay leedahay shirkada Daallo Airlines oo deg deg dib ugu soo laabatey daqiiqado ka dib markii ay ka kacdey garoonka Muqdisho, iyadoo ku sii jeedey dalka Jabuuti.

Agaasimaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya Cabdiwahaab Sheekh Cumar ayaa sheegay in diyaaradda aysan cidna ku dhiman, balse ay jiraan warar sheegaya inuu qof ka baxay, kuwaas oo aan la hubin.

Qofka la sheegay inuu diyaaradda ka baxay, ayaa lagu warramay in meydkiisa laga helay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Agaasimaha ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan si rasmi ah loo ogeyn waxa dhacay ee keenay in diyaaradda ay waxyeelada gaarto oo dhinac ka daloolsanto.

Falastin Axmed Iiman ayaa wareysatay agaasimaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya Cabdiwahaab Sheekh Cumar.

Agaasimaha duulista hawada
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:31 0:00

XS
SM
MD
LG