Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaabka Doorashada 2016 Oo la Go'aamiyey


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Dowladda Soomaaliya, ayaa soo saartay war-murtiyeed ay kaga hadleyso qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sanadkan 2016-ka, kadib laba cisho oo wada tashiyo Muqdisho ugu socdey hoggaamiyayaasha maamullada dalka, dowladda Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

War-murtiyeedka, oo dhowr bog ka koobnaa, ayaa waxay dowladdu sheegtay in aanay jiri doonin muddo kororsi, oo waqtigii loogu talagalayna ay doorashada ku dhici doonto.

Iyadoo aaney heshiis rasmi ah aysan ka soo bixin shirarkii hore ee ay madaxdu yeesheen, ayay dowladda Soomaaliya oo xil ka saaran sidii doorasho loo gaarsiin lahaa dalka sanadkan waxay soo saartay soo jeedimo dhowr ah oo ku aaddan hannaanka doorasho, sida war-murtiyeedka ku cad.

Dowladda waxay sheegtay in la dhiso aqalka sare iyo kan hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo lagu kala saleyn doono hab maamuleed iyo nidaamnka beelaha ee afar iyo bar.

Aqalka hoose oo ka koobnaan doona 275 xildhibaan ayaa lagu soo xuli doona sida uu hadda yahay ee beelaha afar iyo bar halka aqalka sare uu isna ka koobnaan doono 54 xubnood, oo min 8 xubin ay ku yeelan doono maamullada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, halka Somaliland iyo Puntland-na ay ku yeelan doonaan aqalka sare min 11 xubnood, kuwaas oo wadarta guud ka dhigeysa 54 xubnood. Sababta ay labada maamul uga badnaan doonaan xubnaha aqalka sare, ayaa lagu sheegay sida ku cad war murtiyeedka in labadaasi maamul oo waqti badan jirey, iyo in ay yihiin kuwa gobollada ugu badan, sida warmurtiyeedka lagu yiri.

Haweenka, ayay labada aqal ugu yaraan boqolkiiba 30 ku yeelan doona, sida ku cad war-murtiyeedka.

Reysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashid Sharmarke, oo shalay kulan la qaatay ka qeyb galayaasha shirka iyo wakiilada bulshada caalamka, ayaa uu muujiyay sida loogu baahan yahay in la tix galiyo arrintan ay dowladda so jeedisay. Waxa warmurtiyeedka lagu sheegay in caalamku uu soo dhaweeyay arrintaasi halka maamulladana ay qaarna soo dhaweeyeen kuwana ay walaac ka muujiyeen.

Inkastoo aan weli war murtiyeed rasmi ah ka soo wada bixin madasha shirka ugu socdey Muqdisho, ayaa haddana warar ay sheegayaan in ay suuragal tahay in dhinacyadu ay ku saxiixi doonaan kulan kale ay isugu imaan doonnaan.

Halkan ka dhageyso halkan hoose, madaxweynaha Puntland oo ka soo horjeestay soo jeedinta dowladda Soomaaliya. Xasan Kaafi Qoyste, ayaa warbixintan Muqdisho ka soo direy.

Warbixinta Puntland oo diiddey soo jeedinta
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:28 0:00

XS
SM
MD
LG