Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Clinton: Muslimiinta Waa Qeyb Naga Mid Ah


Hillary Clinton waxa ay dhalleeceysay erayada islaam naceybka ah ee kasoo baxaya musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga.

Hillary Clinton oo ka mid ah musharxiinta madaxweynaha Mareykanka, ayaa ayad oo ka qeyb-galeysa kulan dad weyne uu qabtay TV-ga CNN, waxa ay sheegtay in hadallada islaam naceybka ku dhisan ee kasoo yeeraya musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga, ayaa yihiin kuwa ceeb ah oo ka dhan ah Mareykanka.

Clinton ayaa waxa ay ka jawaabeysay su’aal ay weydiisay hooyo muslimad ah oo horey uga tirsaneyd ciidamada cirka Mareykanka, oo lagu magacaabo Erum Tariq Munir, oo degan magaalada Des Moines ee Iowa, taasi oo ahayd sida dalka Mareykanka ku noqon karo dalka ugu wanaagsan oo ay ku korsan karto caruurteeda saddexda ah, haddiiba ay jiraan hadallada islaam naceybka ah.

Waxaa warbixintan diyaariyey Axmed Cali Sheekh.

Warbixinta Clinton
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:58 0:00


XS
SM
MD
LG