Isku xirrada

Qaraxyo Lagu Weerary Maqaayad Ku Taal Liido


Maqaayadda Lido Sea Food (Sawir hore)

Maqaayadda Lido Sea Food (Sawir hore)

Qaraxyo ismiidaamin ah ayaa lagu weeraray maqaayadda Liido Sea Food ee magaalada Muqdisho. Dabley hubeysan ayaa gudaha u galay maqaayadda. Ciidamada Somalia ayaa ku hareeraysan maqaayadda.

Qaraxyo ismiidaamin ah ayaa lagu weeraray maqaayadda Liido Sea Food ee magaalada Muqdisho. Dabley hubeysan ayaa gudaha u galay maqaayadda. Ciidamada Somalia ayaa ku hareeraysan maqaayadda.

Ugu yaran 3 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Maxamud Xareed oo ah milkilaha maqaayadda Indian Ocean oo halkaa ku taala ayaa VOA-da u sheegay inay maqleen qarax xooggan, rasaasna ay socoto.

Wariyaha VOA-da Axmed Xassan Colaad ayaa sheegay inuu arkayay baabuurta gurmadka deg degga iyo ciidamo gurmad ah oo goobta sii galaya, balse ay adagtahay in loo gudbo halka uu qaraxa ka dhacay.

Qof ku sugnaa maqaayadda Liido Sea Food ayaa u sheegay wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, in qaraxa uu maqaayadda ka dhacay isagana ay uu ka badbaaday, islamarkaana uusan sheegin karin waxa dhabta ah ee dhacay

XS
SM
MD
LG