Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bulshada Rayidka Oo Dhaliilay Madaxda


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Bulshada Rayidka ayaa madaxda Soomaalida ay ku eedeynaya in dantii qaranka ay ka hormariyeen danta shaqsi.

Qaar ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ayaa si weyn u dhaliilay kulankii fashilmay ee madaxda Soomaalidu ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ee looga hadlayey aayaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa la filayey in go’aan looga gaaro nooca doorasho ee Soomaaliya gelayso sannadkan dhammaadkiisa, hase ahaatee shirkaasi wuxuu soo xidhmay iyada oo aan isfaham laga gaadhin.

Ururada Bulshada Rayidka ayaa madaxda Soomaalida ay ku eedeynaya in dantii qaranka ay ka hormariyeen danta shaqsi, taasina ay keentay in shirku fashilmo.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo dirtay Seynab Abuukar.

Bulshada Rayidka Oo Dhaliilay Madasha
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00

XS
SM
MD
LG