Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey: Qarax Dilay 3 Sarkaal Oo Booliis Ah


Ciidamada Turkiga oo biyo xooggan ku kala ceyrinaya dibabaxayaal Kurdish ah.
Ciidamada Turkiga oo biyo xooggan ku kala ceyrinaya dibabaxayaal Kurdish ah.

Qaraxa oo ka dhacay Koonfurta Bari ee dalkaas ayaa saraakiisha amniga waxa ay ku eedeynayaan ururka Kurdish-ka ee PKK.

Saraakiil amni oo ku sugan Koonfurta Bari ee dalka Turkiga ayaa sheegay in qarax bam oo waddada dhinaceeda ka dhacay uu dilay saddex sarkaal oo boolis ah, uuna dhaawacay afar kale.

Mas’uuliyiinta waxa ay sheegeen in weerarka uu goor dambe oo maalintii axadda ahayd ka dhacay magaalada Idil ee gobolka Sirnak ee ku dhow xuduudda Syria.

Ma jirin cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Saraakiisha amniga waxa ay weerarka ku eedeynayaan xisbiga shaqaalaha Kurdish-ka ee sidoo kale loo yaqaan PKK.

Ciidamada ammaanka Turkiga ayaa howlgallo ka dhan ah xubnaha PKK ka wada koonfurta bari ee dalkaas, oo ay ku badan yihiin dadka Kurdish-ka ah.

Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub, ayaa dhamaman u aqoonsan PKK inuu yahay urur argagixiso.

Dagaalka ka dhex oogan Turkiga iyo PKK ayaa waxaa ku geeriyooday 40,000 oo qof tan iyo sanadii 1984-kii.

XS
SM
MD
LG