Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uhuru Oo Xaqiijiyey In Askar Laga Dilay


Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga ciidamadiisa ee Gedo looga dilay dhowr askari.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyey in tiro ka mid ah ciidamada Kenya la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Amisom ay ku lee yihiin deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dalkiisa aysan cabsi gelin doonin Al-Shabaab. Waxa uu yiri in Kenya ay ugaarsan doonto dambiilayaashii ku lugta lahaa weerarka, islamarkaana dhiiga askartiisa aan laga dhigi doonin mid aan macno lahayn.

Waxa uu sheegay in Kenya iyo xulafadeeda ay sii joogi doonaan Somalia, si ay u gutaan waajibka ay halkaas u joogaan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa afar baabuur oo walxaha qarxa laga buuxiyey ku weeraray albaabka xerada, waxaana kadib xigay dagaal xooggan oo dhex maray ayaga iyo ciidamada Kenya ee saldhigga ku sugnaa.

Al-Shabaab waxa ay sheegatay inay lixdan askari ku dishay weerarka.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq, ayaa VOA-da u sheegay in 35 illaa 40 askari oo Kenyan ah lagu dilay weerarka.

XS
SM
MD
LG