Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Madasha Oo Ka Furmay Kismaayo


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Shirkan ayaa waxaa looga hadlaya sidii go'aan looga gaari lahaa habka lagu soo xulayo xubnaha baarlamanka cusub ee Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ee xarunta mamaulka Jubaland ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka madasha wadatashiga qaran qeybtiisii u danbeysay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaalida.

Shirkan maanta furmay ayaa waxaan ka qeyb galeynin xubnaha beesha caalamka oo horey uga qeyb-galay shirarkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa la filayaa in madaxdu ay uga hadlaan, heshiisna ka gaaraan sida iyo qaabka loo soo xulayo xubnaha ka mid noqon doono labada aqal ee baarlamanka cusub ee Soomaaliya uu ka koobnaan doono.

Waxaa si aad ah loogu muransan yahay in habka soo xulista xildhibaannada laga dhigo hab qabiil iyo in la qaato hab deegaan iyo degmo ah, taasi oo shirarkii horey u dhacay xal looga gaari waayey.

Maxamed Maxamuud Xareed ayaa warkan kasoo diray Kismaayo.

Shirka Madasha oo furmay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00

XS
SM
MD
LG